Tartanka Fool-Xumadda Aduunka OoLagu kala Guulaystay Iyo Ninka Doorkan Loo Caleemo Saaray Fool Xumada Dadka

Hargeysa (Slpost)- Tartanka Fool xumada adduunka oo sannad walba laga xuso dalka Zimbabwe ee qaaradda Afrika si weyna dalkaasi looga xiiseeyo ama looga sugo ayaa waxa ku guulaystay Mison Sere oo 42 jir ah kaasi oo loo aqoonsaday shakhsigii ugu fool xumaa dalka Zimbabwe sidaana loogu abaal mariyey abaal marin lacageed oo dhan $500 oo dollar.
Inkasta oo abaal marintii tartankan uu muran hadheeyey kadib markii taageerayaasha ninkii tartankaasi laga qaaday ee u tartamayay oo isagu ahaa ninkii saddexdii sano ee ugu dambeeyey haystay koobkan fool xumada dalkaasi Zimbabwe ay keentay muran iyo buuq ay taageerayaasha ninkaasi dhigeen iyaga oo ku doodaya in ninkan ku guulaystay abaal marintu aanu ahayn nin u qalma in lagu abaal mariyo abaal marinta fool xumada, muuqaal ahaana aanu ahayn nin fool xun ee uu yahay nin qurux badan balse kaliya fool xumadiisa la dareemayo marka uu afka kala furo.
Tartanka sannadkan oo ah kii 4-aad ee fool xumada Zimbabwe ama “Mister Ugly” ayaa waxaa ku guuleystay Mison Sere oo 42 jir ah. Hase yeeshee William Masvinu oo koobka haystay 3-dii sano ee lasoo dhaafay iyo taageerayaashiisa ayaa ku doodaya in wax is-daba marin ay dhacday, oo ninkan abaal marinta doorkan qaatay ee Mison Sere uu yahay nin qurxoon oo aan koobka u qalmin. William Masvinu oo ahaa ninka koobka laga qaaday ee haystay abaal marintan fool xumada saddedii sano ee ugu dambeeyey ayaa waxa uu yidhi: “Anigu si dabiici ah ayaan u fool xumahay, balse isaga waxa uu fool xun yahay kaliya marka uu furo afkiisa oo ilkihiisa la arko”. $500 ayuu helay Mr. Sere waxaanu wakhtigan kula dabbaal degayaa qoyskiisa tuulo ka baxsan caasimadda Kampala isaga oo dareemaya farxad iyo raynrayn aad u ballaadhan si kasta oo uu dadka qaar u arkaan nin fool xuno haddana fool xumadiisa ayuu u arkaa hibo ilaahay siiyey oo uu wax weyn ku helay.