Tartan Ku Saabsan Hal-abuurnimada Koombiyuutarada iyo Tiknoolajiyadda ah oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa(SLpost)-Todoba ka mid ah jaamacaddaha magaalada Hargeysa ayaa tartan ku saabsan Tiknoolojiyadda iyo hal-abuurnimada dhinaca koombiyuutarada oo loogu magacdaray “Muhandis Challenge” ku dhex maray magaalada Hargeysa. Tartankan oo ah mid ku cusub gayiga Somaliland ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Hargeysa taasi oo ay ardayda jaamacadduhu ku soo bandhigeen hal-abuurnimo xeel dheer.

Waxa tartankan ka soo baxay hal-abuurnimo xeeldheer oo dhallinyarada aqoonyahanka ah ee reer Somaliland ay ku leeyihiin tiknoolajiyadda, taasi oo ay ay la yimaadeen awood ay tiknoolajiyadda dunida ugu soo kordhin karaan fikraddo cusub.

Waxa tartankan ku guulaystay afar fikradood oo kala matalayey afar jaamacaddood oo ka mid ah, waxa uu mid waliba dhiniciisa soo bandhigay barnaamijyo casri oo aynnu qiimo badnaayeen bog sahlaya in wax lagu kala iibsaddo iyo barnaamij ah kuwa bulshadu ku xidhiidho ah oo ay is fahmi karaan dad kala luuqaddo ahi.

Qaar ka mid ah shirkadda waaweyn ee adeegga tiknoolajiyaddeed ku shaqeeya ayaa halkaa ka sheegay in ay maalgalinayaan dhallinyarada hal-abuurka qiimaha badan la yimid.

Halkan ka Daawo Barnaamijka MUHANDIS Challenge:

https://youtu.be/GHTb52XDJnE

Somalilandpost.net, Hargeysa Office