Tansania: Dadweynaha Oo u Dareeray Doorashada Guud

Dar es Salaam(SLpost)- Waddanka Tanzania waxaa maanta ka dhacaysa doorasho guud oo ay ku tartamayaan xisbiga talada haya iyo dhowr xisbi oo kale.

Doorashada ayaa la filayaa in ay noqoto mid adag oo markii ugu horreysay xisbiga haya talada dalkaasi ee CCM uu loolan adag kala kulmayo isbahaysi ka kooban afar xisbi.

23 milyan oo qof inka badan ayaa isu diwangalisay codbixinta maanta.

Taliyaha booliska Tanzania, Ernesy Mangu, ayaa shegay in ku dhawaad 80 kun oo boolis ah ay geyn doonaan guud ahaan dalka si ay u sugaan ammaanka inta ay socoto codbixinta.

Dalka Tanzania oo ay ku nool yihiin 52 milyan oo qof, ahna dalka ugu dadka badan Bariga Afrika, ayaa waxa ay u codayn donaan doorasha guud oo lagu soo dooranayo madaxweyne iyo xubna baarlamaan.

Madaxweynaha xilka ka sii degaya, Jakaya Kikwete, kama qeyb qaadan doono doorashadan, maadama uu laba xilli doorasha soo hogaamiyay dalka.

Axsaabta mucaardka isu tagay ee la baxay CHADEMA ayaa loolan culus ku haya xisbiga CCM ee talada dalka soo hayay tan iyo 1965.