Talooyin Fudud Oo Kaa Caawinaya In Aad Dheerayso Cimriga Baytariga Talefankaaga Casriga Ah

 

London (SLpost)- Mushkiladda ugu weyn ee ay si midaysan uga cawdaan inta badan ee dadka isticmaala talefannada casriga ahi waa dabka baytariga iyo in aanay awoodin in ay fursad u heleen in markasta ay buuxiyaan dabka baytariga.

Mushkiladdani kuma imanayso xaddiga barnaamijyaa kala duwan ee ku jira talefanka gacanta iyo isticmaalkooda, laakiin waxaa ugu weyn oo dhibaatadan keeni kara sida aad ula macaamisho talefankaaga. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda al-Carabiya waxa soo jeedinaysaa talooyin dhowr ah oo ay khubarada arrimahan ku xeeldheeri sheegeen in ay ilaalinayaan cimriga iyo dabka baytariga.

Ugu horreyn waxa aad ogaataa in ka shaqaysiinta adeegyada ay ka mid yihiin Bluetooth, GPS iyo WIFI ay isticmaalaan dab badan, xitaa marka aanay shaqo wadin, sidaa awgeed waa in qofku uu ku dadaalo in adeegyadani ay bakhtiisnaayeen marka aanu isticmaalayn.

– Waa in midabbada shaashadda talefankaaga casriga ahi ay noqdaan kuwo madow xiga, waayo midabbada kala duwani waxa ay qaadataa tamar badan oo ay baytariga ka soo qaadanayso.

– Qasab ma’aha in mar kasta oo aad talefankaaga geliso uu buuxsamo, waxaa ugu fiican in halkii marba aad boqolkiiba 70 ku riddo Toddobaadkiina hal mar aad buuxiso, sidoo klae waxaa fiican n la joojiyo codka batamada talefanka gacantu ay bixiyaan marka la taabto.

– Ku hay talefankaaga meel heer-kul-keedu munaasab yahay, ilayska shaashadda Talefankaaga ka dhig naaqus. Waayo heerka ilayska shaashaddu waxa uu si weyn u qaataa dabka talefanka gacanta.
Xigasho Geeska Afrika