Tallaalka Covid19 oo ku soo wejahan Somaliland iyo Xilliga uu dalka soo gaadhayo

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Bade ayaa sheegay in dhawaan la filayo in talaalka xanuunka karoona fayras uu soo gaadho Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Waxaanu intaa ku daray in Ha’adda Unicef iyo Shirkadda DP World ay usoo mariyaan talaalkaasi wadamada bariga iyo badhtamaha Afrika ee aan badaha lahayn.

Isagoo sheegay in Somaliland ay marin muhiim ah u tahay sidii loo gaadhsiin lahaa wadamada aan badaha lahayn Tallaal covid 19 waxaanu wasiirku sheegay in Somaliland qeybteeda ay ka heli doonto tallaalkaasi.

Geesta kale wasiirka caafimaadka Cumar Cali Cabidlaahi Badde waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay samaynayaan daraasado laguu qiimayno halka laga bilaabyo talaalkaasi marka uu ina soo gaadho.

Gabagbadii wasiirka wasaaradda caafimaadku waxa uu sheegay in xanuunka Covid 19 uu samaynayo isbadalo baladhan isagoo aduunka meelaha qaar kusii fidiya.