Taliyihii Waaxda Socdaalka Oo La Bedelay Iyo Mid Cusub Oo Loo Magacaabay

Hargeysa(SLPost)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa taliye cusub u magacaabay waaxda socdaalka Somaliland, isagoo taliyihii horena u bedelay wasaaradda arrimaha gudaha.

Warar xogogaala ayaa sheegay in taliyaha waaxda socdaalka loo magacaabay Maxamed Cabdi Caalin (Dayib), halka taliyihii hore Maxamed Cali Yuusuf loo magacaabay la taliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee arrimaha amniga. Taliyahan cusub ayaa xilkan hayay wakhtigii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.