Taliyihii u horeeyey ee Ciidanka Booliska JSL oo ku geeriyooday dalka Canada & Madaxweynaha oo tacsi u diray

 

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa Isniinta maanta oo ku beegan 19/10/2020 dalka Canada ku geeriyooday Talihii u horreeyey ee Ciidammada Booliska Somaliland Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibboo) oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii dhidibbada u taagay dhismaha Ciidanka.

Geerida Marxuumka waxa ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi; oo isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland; dhambaal tacsi ah u diray Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibboo).

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mid ahaa tiirarka ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland seeska u dhigay gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland oo uu ahaa taliyihii u horeeyey markii la Aas-aasay 03 Novenber 1993-gii, isagoo door muhiima ka soo qaatay dedaalladii kala duwanaa ee ciidamada lagu soo dhisay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net