Taliyihii Illaalada Kacaanka Iran oo u geeriyooday Cudurka COVID-19

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran, General Nasser Shabani, ayaa u geeriyooday Cudurka COVID-19, sida ay soo baahisay wakaalada wararka ee Fars.

Taliyana Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa Shaqada ciidamada bilaabay sanadkii 1982 oo ah xilligii uu socday Dagaalkii dhexmaray Iran iyo Ciraaq.

Marka laga yimaaddo dalka Shiinaha, waddamada kale ee ugu badan ee xannuunkani saamaynta ba’an ku hayo waxa ka mid ah Talyaaniga, Koonfurta Kuuriya iyo Iran tan iyo markii uu cudurku dillaacay bishii December ee sanadkii la soo dhaafay.

Tirada dadka ugu dhintay virus-ka dalka Iran ayaa gaadhaysa 514, sida uu baahiyey telefishanka dawladda Iran maalintii Jimcihii.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in 85 qof ay dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay, halka 1,289 xaaladood oo cusub la ogaaday, taasoo tirada guud ee la xaqiijiyay inay gaadhayso ka dhigaysa 11,364-qof.

Sida lagu shaaciyey warbixin Jimcihii dorraad ay baahisay hay’adda caafimaadka Adduunka, tirada guud ee dadka u dhintay cudurkan ka badan 5,000 qof, iyada oo in kabadan 132,500 kiisas ah la xaqiijiyey guud ahaan dunida.

Somalilandpost.net