Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland oo beeniyey in Xil looga Dhiibay Saldhigga Milatari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Somaliland, General Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya in xil looga dhiibay saldhiga dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho.

Warkan oo lagu faafiyay warbaahinta qaar ka mid ah, ayaa waxa uu General Bootaan ku tilmaamay been abuur laga sameeyey, waxaanu ku gooddiyey inuu sharciga la tiigsan doono ciddii samaysay warkaas.

Taliyihii hore oo isagoo dalka dibadiisa ku sugan shalay u warramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xigannay, waxa uu Generaal Bootaan yidhi, “Anigoo ah Jeneral Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka qaranka JSL, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada ee Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah. Waxaan beeninayaa wararkaas”.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Waar waxaan idin leeyahay Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, dhalasho Turki ahna maan qaadan. Markaas waxaan halkan ku cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararkaas balse ay yihiin kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa,” sidaas ayuu yidhi General Bootaan.

Waxa kale oo uu Taliyuhu yidhi, “Maanta maaha maalin shaqo la doonto ee waa maalin uu qof waliba sidiisa mashquul ugu yahay sidii uu uga feejignaan lahaa xanuunka COVID-19.

Markaas waxaan mar kale umadda u cadaynayaa inaanay wararkaas waxba ka jirin, balse ay yihiin kuwo la been abuuray oo ujeedo gaar ah laga leeyahay”.

Madaxweyne Biixi ayaa bishii March ee Sannadkii hore xilka ka qaaday Taliye Jaamac Maxamed Bootaan.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net