Taliyihii Dablaydu Dishay Ee Gobalka Saaxil Oo Maanta La Aasay iyo Xiisada Uu Dilkiisu Abuuray oo Dagan Kadib Soo Qabashada Dablayda

Berbera(SLpost)- Waxa Alle hawnaxariistee maanta lagu aasay taliyihii gobalka Saaxil Gaashaanle Casayar magaalada Berbera, kadib markii la soo qabtay inta badan dablaydii dishay oo ay ku adkaysteen in aan la aasi karin inta aan la soo qaban dablayda eheladii uu ka dhashay.

11 casayr

Madaxweyne ku xigeenka Saylici iyo masuuliyiin kale oo wasiiro ka mid yihiin ayaa ka qaybgalay aaska, waxaan sida oo kale haatan degan xiisada uu abuuray dilka taliyahaasi. deegaanada Ceerigaabo,Ceelafweyn iyo Berbera oo ay deganaayeen qaar ka mid ah beesha uu ka soo jeeday taliyahani ayaa laga dhigay mudaharaadyo.