Taliyihii Ciidamada Qaranka ee Fadhiisimida Bariga Dalka oo maanta Geeriyooday Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacabka iyo Ciidanka Ka Tacsiyeeyay

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxa maanta Hargeysa ku Geeriyooday Taliyihii Ciidamada Qaranka Somaliland ee Aagga Bari Sarreeye Gaas Maxame Cabdi Aadan (Dhan-cadde) oo isla maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuumka oo ka mid ahaa Tiirarka Adag ee Ciidamada Qaranka Somaliland ku tiirsanaa.

Dhambaal Xambaarsan Tacsida Madaxweynaha Somaliland, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Qaranka JSL, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Madaxweynuhu  geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) ALLE HA U NAXARIISTEE.

dhancaddeSidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade)  oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 02-04-2013 laguna aasay Maanta.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin muhiima ka soo qaatay difaaca dalka, kaalin muhiimana kaga jiray ciidamada qaranka JSL, iyo Dalkaba waxaanu madaxweynuhu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan uu ka siiyo.”

SOMALILANDPOST.NET