Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Aagga Gal-gala oo Goor-dhawayd la dilay

news1Boosaaso (SLpost)- Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee Aagga Gal-gala ee gobolka Bari Korneyl Jaamac Saciid Afgaduud iyo askar ka tirsan Ilaaladiisii oo galabta ka amba baxday Magaalada Boosaaso, kuna sii jeeday deegaanka Sugure, ayaa waddada loo galay.

Ilaaladii Taliyaha iyo Xoogag hubeysan, ayaa ku wada dagaalamay deegaanka Buundooyinka, oo qiyaastii 20 km dhinaca Woqooyi-galbeed kaga beegan Magaalada Boosaaso, markii wadada loo galay.

Waxaa la soo sheegayaa in Taliyaha lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisii, sidoo kalana mid kalana la dhaawacay, isla-markaana ay baxsadeen kuwii weerarka soo qaaday.

Suxufiiyiinta ku sugan Magaalada Boosaaso, ayaa waxay soo sheegayaan in dhaawac ahaan Magaalada Boosaaso loogula  cararay Korneyl Afgaduud, balse uu daqiiqado kadib ugu geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay weerarkaasi.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Maamul Goboleedka Puntland oo ku aaddan weerarkan lagu dilay Taliye Af-gaduud oo u muuqday in uu qorsheysnaa.

Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay dilka taliyaha, balse waxa loo malaynayaa inay dilkaas ka dambeeyeen kooxda Xag-jirta ah ee garab-saarka la leh Xarakada Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Buuraha Gal-gala ee gobolka Bari ee maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo ay dagaal ku wada jiraan Ciidamada Maamulka Puntland oo tiraba dhowr jeer kula dagaalamay Buuraha Galgala oo ka tirsan Silsiladda Buuraha Golis.

SOMALILANDPOST.NET