Taliyeyaal ka tirsan Ciidanka Soomaaliya oo Hoggaaminayey Weearkii Saaka Lagu Soo qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood

Laascaanood (SLpost)- Kooxaha nabad-diidka ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa maanta weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee ku yaalla Galbeedka magaalada.

Weerarka waxa ka qayb-qaatay oo dhinaca maleeshiyaadka hoggaaminayey taliyeyaal ciidan oo dhawaan ka yimi magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Somaliland.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in weerarka saaka ay u jireen maleeshiyaad ka tirsan kooxaha Argagixisada ah ee ka hawl-gala gobolka, waxaanay xukuumadda Somaliland beesha caalamka ugu baaqday in layska kaashado sidii magaalada Laascaanood looga sifeyn lahaa kooxaha xag-jirka ah ee taageeraya malleeshiyaadka nabad-diidka ah.

War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:- “Waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khatar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xukuumaddu ka soo saartay dagaalka saaka lagu soo qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Galbeedka Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net