Taliyaha Ciidanka Qaranka oo tacsi u diray Gaashaanle Sare Cabdi Daahir Cali oo Hargeysa ku geeriyooday

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Hoggaankii Maaliyadda ee Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Cabdi Daahir Cali.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka saraakiisha, saraakiil-xigeenka, Aliflayda iyo dablayda ciidamada qaranka Somaliland, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada, Qoyska, Qaraabada iyo Ciidanka Qaranka ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste marxuum G/ Sare Cabdi Daahir Cali, Hogaankii maamulka Lacagta ee CQ oo ku geeryooday magaalada Hargeysa maanta 26 March, 2021.

Waxuu Ilaahay SW uga baryey inuu janadiisa ka waraabiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo, qaranka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Advertisement

Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun

Advertisement