Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ka hadlay Ciidamo goostay, eedaymona u jeediyey Korneyl Caarre

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyey Ciidanka Somaliland ka goostay ee Puntland ku biiray oo uu sheegay inaanu Qaranku dan ku qabin kharash kaga baxa mooyee.

Taliye Taani oo maanta warbaahinta qaar kula hadlay Taliska Miiska Saraakiisha ee magaalada Hargeysa, waxa uu dembiile qaran inuu yahay ku eedeeyey Kornayl Caarre oo hore uga goostay Ciidanka Qaranka, isla markaana Jabhad hubaysan ku haysta Buuraha gobolka Sanaag.