Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Si Adag uga Hadlay Isu-soo-bax Xisbiga Waddani ugu baaqay Taageerayaashiisa

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa ku gooddiyey inaanay marnaba aqbali doonin bannaan-bax aan dariiqa sharciga loo soo marin oo ka dhaca Caasimadda dalka.

Taliye Maxamed Aadan Saqadhi oo ay weheliyaan saraakiisha hoggaannada Ciidanka Booliska oo mar-dhawayd saxaafadda kula hadlay Taliska Booliska, waxa uu hadalkiisu jawaab u yahay qaylo-dhaan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani u diray taageerayaasha Xisbiga, kuwaas oo uu ugu baaqay inay maalinta Berri ah isugu yimaaddaan Xarunta Dhexe ee Xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay isagoo fulinaya ballan-qaad uu sameeyey maalintii uu xilka la wareegay oo uu ku sheegay inuu ku adkaan doono fulinta Sharciga Ciidanka Ammaanka sidaas awgeedna ay ciidamada Boolisku gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo waxyeello u geysanaysa ammaanka guud ee dalka.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Taliyaha Booliska Somaliland