Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Bogaadiyey Shacabka iyo Ciidammada Ammaanka

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), ayaa shacbiga Somaliland u mahad-celiyey qaabkii ay Ciidammada mmaanka uga gacan-siiyeen sugidda ammaanka Doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo Isniintii toddobaadkan ka qabsoontay guud ahaan dalka.

Taliye Daba-gale oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Hargeysa, waxa uu ciidamada ammaanka ku ammaanay sida ay u hawl-galeen sugidda ammaanka doorashada oo uu sheegay inaanay diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xidhiidha ammaan-darro.

Hadalka Taliyaha kaga bogo Muuqaalka Hoose