Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Oo Sheegay In La Adkeeyey Qaadashada Rugsadaha Wadista Gaadiidka

Hargaysa(SLPOST)Taliyaha Guud Ee ciidanka bilayska ayaa ka hadlay gaadiidka sii badanaya iyo shalalkiisa.

download (15)

Iyadoo Lagu Jiro Ololaha Toddobaadka Ee Qaramada Midoobey U Astaysay  Badqabka Wadooyinka, Ayaa Somaliland, Waxaa Ku Soo Batay Shilalka Ay Gaadiidku Sababaan.

2013 Shilalkaasi Baabuurta Ku Burburtay Ay Gaadhayaan 1596 Gaadhi.

Xoolo Nool Oo Dhan 516 Ayaa Ka Mid Ah Noolaha Ku Dhintay Shilalka. Dhismayaal Gaadhaya 133 Ayaa Sidoo Kale Ku Burburtay Shilalkaasi .

Bilaha January Ilaa March 2014 Shilalkaasi Waxaa Ku Burburay Gaadiid Dhan 414. Iyadoo Xoolo Nool Oo Ku Dhow Konton Neef (50) Iyo Dhismayaal Gaadhaya 26 Ku Burbureen.

Boliisku Waxay Sheegeen In Sababaha Ugu Badan Ee Keena Shilalka Gaadiidka Somaliland Ay Yihiin Telifoonka Mobile-Ka Oo Darawalada Gaadiidku  Isticmaalaan Iyagoo Gaadhigiina Wada, Xawliga Loo Wado Gaadhiga Iyo Taxadar La’aan .

Waxaa Ugu Badan Ee Keena Shilalka Waa Gaadiidka Yar-Yar Iyo Gaadiidka Waaweyn Ee Gobollada Isaga Goosha .

Boliiska Ayaa Dhowaan Ka Hirgeliyay Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland Gaadiidka Boliiska Ee Gurmadka Degdega Ah Ee Loo Yaqaanno 99.

Dadka Ayaa Ku Eedeeya Booliiska Traafikada Inay Debecsanyihiin Iyo In Liisamada Gaadiidka Lagu Wado Si Fudud Lagu Helo.

Hase-Yeeshee Taliyaha Guud Ee Booliiska General Fadal Ayaa U Sheegay BBC-Da In Booliisku Gutaan Hawshooda Laakiinse Aan Khaladaad Aanay Meesha Ka Madhneyn. Wuxuu Sheegay In Haatan La Adkeeyay Qaadashada Ruqsada Wadidda Gaadiidka.

Xigasho BBC-da