Taiwan oo Somaliland ku caawinaysa 150,000 Xidhmooyin tallaalka Covid-19 ee Medigen

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Taiwan ayaa Salaasada maanta shaaca ka qaaday inay Somaliland ku caawinayso 150,000 Xidhmo oo talaalka cudurka Covid-19 ah, kaas oo qayb ka ah taageerada adeegyada caafimaadka ee dalkaasi siiyo Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda, mucaawimada talaalka Covid-19 ee Medigen oo lagu farsameeyey gudaha dalka Taiwan, ayaa lagu go’aamiyey heshiis ay Isniinta shalay wada-jir u wada saxeexeen Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo Wakiilka dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland Danjire Wu Chen-chi oo kulan ku yeeshay xafiiska wasiirka.

War-saxaafadeedka oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa lagu sheegay in gargaarkan Caafimaad ku soo beegmayso xilli uu qaaradda Afrika fara-baas ku hayo nooca Covid-19 ee loo yaqaano Omricon.

Waxa uu war-saxaafadeedku intaas ku daray in wasaaradda Caafimaadka Somaliland dhawaan oggolaatay  tallaalka Medigen loo isticmaalo xaalad degdeg ah sababo la xidhiidha soo-laba kaclaynta cudurka iyo xaaladda adeegyada caafimaad ee jirta (Emergency Use Authorization).

Tallaalka Medigen ayaa ah ka kaliya ee lagu farsameeyey Taiwan, waxaana ansixiyey dowladda Taiwan oo 23-kii August ee sannadkan u oggolaatay muwaadiniinteeda inay qaataan tallaalkan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Warku waxa uu intaas ku daray inaanu jirin waddan kale oo Oggolaanshaha isticmaalka degdegga ah siiyay tallaalka Medigen. Haseyeeshee, waxa jira waddamo oggolaaday inay qaataan balse tijaabooyin iyo shaybaadh ku wada tallaalka Medigen, waxaana waddamadan ka mid ah Paraguay.

Sida war-saxaafadedka lagu sheegay tallaalka Medigen waxa qaatay isla markaana loo doortay in lagu daro Golaha caalamiga ah ee tijaabooyinka tallaalka ee loo yaqaano Solidarity Trial Vaccines oo ay aasaastay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dowladda Taiwan ayaa hore ugu caawisa Somaliland agabka lagaga gaashaanto Covid-19 iyo mishiinnada laga dhaliyo Oxygen-ta lagu xidho bukaannada xannuunkani asiibo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet