Taiwan oo Nus Milyan Dollar kaga Qayb-qaadatay Gurmadka Abaaraha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Taiwan, ayaa Deeq Lacageed oo dhan $500,000 ku caawisay Somaliland oo xilligan la daalaa-dhacaysa xaalad abaareed oo baahsan.

Safiirka Dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland, Allen Lou, ayaa munaasibad kooban oo Isniintii shalay ku qabsoontay xafiiska safaaradda waxa uu deeqdan lacageed ku wareejiyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah guddoomiyaha Guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wakiilka Taiwan ee Hargeysa.

Danjire Allen oo hadal ka jeediyey munaasibadda deeq-wareejinta, ayaa sheegay in Dowladda Taiwan qaddarkan lacageed ugu tala-gashay inay dowladda Somaliland kaga qayb-qaadato dedaallada ay kula tacaalayso saamaynta ay abaartu keentay.

Waxa kale oo uu Danjire Allen sheegay in dowladda Taiwan qorsheynayso sidii ay Somaliland ugu soo diri lahayd gargaar Raashin ah oo ka kooban 300 tan oo Bariis ah oo u dhigma 6,000 Kiish oo loogu tala-galay Dadka reer Guuraaga ah ee Abaartu saamaynta ku yeelatay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo ka wakiil ah Shacabka iyo dowladda, ayaa uga mahad-celiyey Taiwan deeqda lagu wareejiyey, waxaanu sheegay in shacabka iyo dowladduba abaal weyn u hayaan dowladda Taiwan.

Taiwan iyo Somaliland oo xidhiidhka iskaashi soo bilaabmay bishii December 2020 wakhtigaas oo labada waddan is-dhaafsadeen xafiisyo dublomaasiyeed, ayaa iska kaashada dhinacyo badan, waxaanay dowladda Taiwan ka caawisay Somaliland dhinacyada caafimaadka Beeraha, Teknoolajiyadda iyo waxbarashada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net