Taiwan oo Heegan Galisay Ciidankeeda iyo Shiinaha oo u jawaabay xilli xaaladda Ukraine Cirka isku shareertay

Advertisement

Taipei (SLpost)- Dowladda Shiinaha ayaa jawaab ka bixisay baaq ay Madaxweynaha Taiwan ugu jeedisay shacabkeeda inay heegan buuxa galaan, kaddib markii Ruushku aqoonsaday isla markaana amray ciidamadiisa inay galaan laba gobol oo ka tirsan dalka Ukraine oo gooni-goosad ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa Arbacada maanta sheegtay inaanay Taiwan ahayn Ukraine oo kale oo tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan dhulweynaha Shiinaha, iyadoo madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay ku baaqday in heegan la geliyo Ciidamada Difaaca, lana kordhiyo feejignaanta dhaqdhaqaaqyada milatari oo lagaga jawaabo duullaan kasta oo ka yimaadda Shiinaha.

Hadalka soo yeedhay Dowladda Shiinaha, ayaa yimi kaddib markii Raysal-wasaaraha UK ayaa kaga dhawaajiyey halis ku soo wejahan Taiwan oo ku saabsan cawaaqib-xumo caalami ah oo ka dhalan karta haddii dalalka reer Galbeedku ku guul-darraystaan taageerada madax-bannaanida Ukraine.

Advertisement

Dowladda Shiinaha ee fadhigeedu yahay magaalada Beijing, ayaa ku andacoonaya in Taiwan ka mid tahay Dhulweynaha Shiinaha, waxaanay labadii sanno ee u dambeeyey kordhisay dhoola-tusyo Milatari oo ay ka sameeyeen  meelo u dhow Jasiiradda Taiwan, in kasta oo aanay xukuumadda Taipei sheegin dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ay sameeyeen Ciidamada Shiinuhu xilligan ay circa isku shareertay Xiisadda Ukraine.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Hua Chunying, oo shir jaraa’id ku qabatay Beijing, ayaa meesha ka saartay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya arrimaha Ukraine iyo Taiwan.

“Taiwan maaha Ukraine. Taiwan waxay waligeedba ahayd qayb muhiima oo ka tirsan Shiinaha. Tani waa xaqiiqo sharci iyo mid taariikhi ah oo la dafari Karin,” sidaas ayay tidhi afhayeen Hua Chunying oo intaas ku daray in Qadiyada Taiwan ku timi dagaaladii sokeeye, balse aan laysku ogeyn in midnimada Shiinuhu gor-gortan gasho.

Madax-bannaanida Taiwan ayaa dhalatay sannadkii 1949-kii kaddib markii laga adkaaday Dowladdii Jamhuuriyadda Shiinaha oo u Guurtay Jasiiradda Taiwan, xilligaas oo Xoogaggii aaminsanaa mabada’a Shuucuyaddu la wareegteen gacan-ku-haynta dhul-weynaha Shiinaha isla makraana aasaaseen Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha ee xilligan ka talisa Beijing.

Dowladda Taiwan ayaa si adag uga soo horjeeda sheegashada dhuleed ee Shiinaha, waxaanay madaxweynaha dalkaasi sheegtay in Taiwan ay tahay waddan madax-bannaan oo lagu magacaabo Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China), kaas oo ah magaca rasmiga ah ee Taiwan.

“Dhammaan cutubyada amniga iyo kuwa militarigu waa in ay sare u qaadaan la socoshada iyo digniinta ugu horaysa ee dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socda marin-biyoodka Taiwan,” Sidaas waxa ku baaqday madaxweyne Tsai ka hadlaysay shir deg-deg ah oo ay isugu yeedhay Golaha Amniga Qaran ee dowladda Taiwan.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters, madaxweynaha Taiwan waxa ay sheegtay inay ka xuntahay xaaladda Ukraine oo ay sheegtay inay saamayn ku leedahay Shacbiga Taiwan oo cabsi xooggan ka qaba in Shiinuhu ku kaco tallaabada Ruushka mid la mid ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.et

Advertisement