Taiwan oo Dhakhaatiir Caafimaad u soo diraysa Somaliland

somaliland iyo Taiwan

Somaliland iyo Taiwan oo kala Saxeexday Heshiis Iskaashi oo khuseeya Adeegyada Caafimaadka

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Taiwan, ayaa dhakhaatiir Caafimaad u soo diraysa Jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay heshiis iskaashi oo dhexmaray labada dowladood.

Qorshaha dowladda Taiwan ku soo dirayso Dhakhaatiirta ayaa qayb ka ah heshiis is-kaashi oo Arbacadii shalay ay si wada-jir ah qalinka ugu duugeen Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan iyo Safiirka Dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland.

somaliland iyo TaiwanWar-murtiyeed ka soo baxay heshiiska labada dowladood, ayaa lagu sheegay in dhakhaatiirta Caafimaad ee Dowladda Taiwan ka hawl-gali doonaan Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa si ay tabobarro aqoontooda kor loogu qaadayo u siiyaan hawl-wadeennada caafimaadka, iyadoo la filayo inay qayb laxaad leh ka qaataan horumarinta adeegyada Caafimaadka ee dalka.

War-murtiyeedka lagu xusin wakhtiga rasmi ah ee ay Somaliland soo gaadhi doonaan Dhakhaatiirta Caafimaad ee ka imanaya dalka Taiwan.

“Heshiiskani wuxuu dowladda aanu saaxiibka nahay ee Somaliland fursad u siinayaa inay horumar ka sameeyeen awoodda wax-qabad ee adeegyada caafimaadka bulshada loo fidiyo,” waxa sidaas lagu sheegay qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan Joseph Wu, ayaa sheegay in Iskaashiga adeegyada Caafimaadku udub-dhexaad u yahay Xidhiidhka labada waddan, isagoo sheegay in dowladda Taiwan hore u bilowday barnaamij lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka kaddib markii ay labada waddan kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo lagu kor loogu qaadayo xidhiidhka labada dowladdood sannadkii 2020-kii.

Kulanka shalay ka qabsoomay magaalada Hargeysa ee labada waddan ku kala saxeexdeen heshiiska iskaashi ee dhinaca caafimaadka, waxa goob-joog ka ahaa wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Bade, Wasiirka Arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu oo hab maqal iyo Muuqaal ah kaga qayb-galay Kulanka iyo Saraakiil ka kala socday labada waddan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.et