Tahriibayaal Soomaali ah oo Doonyihii ay Saarnaayeen la la’yahay iyo Tirada Qaar kale oo Doonyihii ay Saarnaayeen La Badbaadiyey

Hargeysa (SLpost)- Saddex doonyood oo ay saarnayeen Tahriibayaal Afrikaan ah ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah oo ka soo kala jeeda Somaliland, Somaliya iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa lagu la’yahay Badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Doonyahan oo todobaadkii hore dhammaadkiisii ka baxay Xeebaha dalka Liibiya isla markaana ay saarnaayeen tahriibeyaal tiro badan, ayaa wararka aanu ka helayno dalka Liibiya ku sheegeen tirada Soomaalida Doonyahaas Saarneyd in ka badan 200 oo qof, iyada oo xilligan lagu jiro bad-xidhan maadaama lagu jiro xilli xagaaga oo dabaylo ba’ani ka dhacaan Badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa Woqooyiga Afrika iyo Koonfurta Qaaradda Yurub.

migranti_a_LampedusaMarka laga yimaaddo Saddexda Doonyood ee la sheegay in la la’ yahay, waxa habeen hore jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga ku xidhatay Dooni siddey 159 Qof oo ay ku jiro ilme yar oo ku dhex-dhashay doonta, kuwaas oo ay badbaadiyeen Ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga.

Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa magacyada dhowr iyo Afartan qof oo ka mid ah 200 ee qof, in kasta aanay suurto-galin inaanu helno deegaamada ay u dhasheen dadkani.

1- Nasra Cabdillaahi Cabdi, 2- Fartuun Xasan, 3- Cabdilaahi Xasan,  4- Faarax (lama hayo magaca oo dhameystiran), 5- Nasteexo Nuur Xassan, 6- Xasan Mowliid Cismaan Jees-bile, 7- Aadan Cabdiqaadir Aadan, 8- Xasan Wali Fanteeye, 9- Sabriin Yaasiin, 10- Ilkacase (lama hayo magaca saxda ah), 11-Saleemaan Sabriye, 12- Najax Cabdilahi, 13- Xasan Furre, 14- Sacdiya Ilyaas Cabdi, 15- Salaad Yuusuf, 16- Saabir C/naasir Xaji, 17- Xaaji  (Lama hayo magaca oo dhameystiran), 18- Fartuun Xasan Xuseen, 19- Cabdillaahi Dhagey,  20- Suleekha Cabdiqaadir Cabdi, 21- Nafiisa C/xaafid Ilyaas, 22- Sabriin Salaad Xaashi, 23- Fadumo …. (Bilan), 24- Mascuud Axmed, 25- C/fataax Nuur, 26- Maxamed Xasan Xuseen, 27- Saleeban Faysal, 28- Faarax Cabdillaahi Cabdi, 29- Mukhtaar Muse, 30- Xuseein Maxamed Xassan, 31- Sacdiya Nuur Farax, 32- Fatxiya (Lama hayo magaca oo dhameystiran), 33- Fanax (Lama haayo magaca oo dhameystiran), 34- Siciid Cabdiqaadir, 35- Anwar Faarax, 36- Yoonis Salaad Xaaji, 37- Salmaan Xasan, 38- Cabdirisaaq Maxamed, 39- Cabdiraxmaan Maxamed, 40- Xuseen Bare Ismaaciil, 41- Xasan Axmed Tuure, 42- Naciima Cabdi Faarax, 43- Maryan Cali Xuseen, 44- Faarax Cali, 45- Xasan Sheekh Ibraahin.

Dhanka kale, sida lagu baahiyey warbaahinta dalka Talyaaniga, Ciidamada ilaalada Xeebaha ee dalkaas, ayaa habeennimadii Arbacada iyo Khamiista ee todobaadkii hore bad-baadiyey la bad-badiyey 600 oo tahriibayaal Afrikaan ah kuwaas oo muddo Afar maalmood ah ku dhex-jiray Badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya.

SOMALILANDPOST.NET