Taariikhdii iyo Sooyaalkii Faneed ee Maxamed Axmed Kuluc (WARBIXIN iyo waraysigii u dambeeyey ee laga qaaday)

maxamed-AxmedHargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee, waxa maanta magaalada Hargysa Aas Qaran loogu sameeyey Fanaaniinkii weynaa ee Axmed Maxamed Kuluc oo shalay duhurnimadii ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii dambe u jiifay Xannuun dhinaca Sambabada ah.

Eebbe naxariistii Janno haka waraabiyee, Marxuum Axmed Maxamed Kuluc, ayaa dhowrkii sanno ee u dambeeyey gurigiisa iyo cusbitaallada Hargeysa u jiifay xannuun ka haleelay sambabada, ayaa geeriyooday kaddib markii ay neeftu qabatay, sida uu sheegay Agaasimaha cusitaalka Guud ee Hargeysa.

Halkan waxa aanu idinku soo gudbinaynaa WARBIXIN uu wariye Cumar Seerbiya ka diyaariyey Taariikh nololeedkii iyo Sooyaalkii Faneed ee Maxamed Axmed Kuluc iyada oo uu ku jiro waraysigii u damabeeyey ee laga qaado marxuumka.