Taageerayaashii Guddoomiye Cirro u codeeyey oo Madaxweyne Biixi ballan-qaad iyo Mahad-naq Isugu daray

 

Go’da-weyn (SLpost)- Odayaasha, Waxgaradka iyo Dadweynaha ku dhaqan degmada Go’da weyn oo ka mid ah meelihii aadka looga taageeray Xisbiga Waddani doorashadii madaxtooyada ee 2017-kii, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uga mahad-naqay xilka uu u dhiibay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Maxamed Xasan Dirir oo ay sheegeen inay aad ugu farxeen markii uu Madaxweynuhu xilkaas u magacaabay.

Dadweynaha iyo Odayaasha Go’ada-weyn oo soo dhaweeyey Agaasime Maxamed Xasan Dirir oo booqasho ku tegay degmadaas, ayaa ballan-qaaday inay codkooda siiyaan doorashada soo socota Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana waxay u soo jeediyeen inuu ka shaqeeyo horumarka degmadaas oo ay tilmaameen inuu wax fiican oo adeegyada bulshada ah ka hirgeliyey Maxamed Xasan Diriri isagoon xil haynin.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net