Taageerayaasha Murashaxiinta Kulmiye oo Cududdooda ku soo bandhigay Fagaareyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dalka

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga KULMIYE ayaa gobollada iyo degmooyinka dalka ku soo bandhigay ololihiisa doorashada goleyaasha wakiillada iyo degaanka, iyadoo ay taageerashaasha xisbigaas ay kala qayb galeen masuuliyiinta dowladda iyo murashixiin ku loolamaysa doorashada.

Iyada maanta ay ahayd maalintii 2aad ee u dambaysay ololaha Xisbiga, gobollada ay taageerayaasha KULMIYE ku soo bandhigeen cududdooda taageero ee sida weyn looga dareemay waxa ka mid ah Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Awdal, Sool iyo Saaxil.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha magaalada Burco kala qayb-galay ololaha doorashada ee Xisbiga, waxaanu madaxweynuhu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey fagaaraha Kheyriyada ee magaalada.

Advertisement

Isu-soo-baxyada taageerayaasha Kulmiye ka sameeyeen magaalooyinka dalka, waxa kala qayb-galay oo  khudbado ka jeediyey masuuliyiinta xisbigaas iyo murashixiinta u taagan doorashada goleyaasha wakiilada iyo degaanka, waxaanay u soo jeediyeen in ay ka qayb qaataan doorashooyinkaas, isla markaana ay codadkooda siiyaan murashixiinta KULMIYE.

Ugu dambayn xisbiga KULMIYE wuxuu isu soo baxyo kala duwan ku soo bandhigay degmooyinka Hargeysa, Boorama, Ceerigaabo, Laascaanood, Berbera, Oodweyne, Caynaba, Sheekh, Gabiley, Bali-gubadle, Salaxley, Saylac iyo dhammaan degmooyinka kale ee dalka, iyadoo taageereyaasha xisbigaasina ay siteen astaamaha xisbigaas iyo kuwa murshixiinta u taagan doorashooyinka isku sidkan ee wakiilladda iyo degaanka oo ku muddaysan inay dalka ka qabsoonto 31-ka bishan May.

Advertisement