Suxufi Maxamed Xasan Cali Weji oo ka ilmaysiiyey Madax iyo Shacab uu madal isugu keenay

Hargeysa (SLpost)- Maxamed Xasan Cali Weji ayaa xalay Hargeysa ku soo bandhigay buug uu qoray oo la magac-baxay 100 Sheeko iyo Sheeko, waxaana munaasibadda lagu soo bandhigay buugga ka qayb-galay madax ka tirsan dowladda, xisbiyada iyo shacab tiro badan.

Maxamed Xasan Cali Weji oo ah ruug-caddaa muddo badan ka soo shaqaynayey warbaahinta dalka, waxa munaasibadda uu ku daah-furay buuggiisa 100 Sheeko iyo Sheeko ka qay-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Maaliyadda iyo Teknoolajiyadda, Guddoomiyeyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo UCID, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, Maayarka Caasimadda, Abwaanno Qoreyaal, suxufiyiin, haween iyo dhalinyaro.

Daawo Muuqaalka Hoose