Suxufi ma ogtahay in aad Daneeyaha Guud ee Doorashada tahay?

WQ: Xuseen Cali Nuur

31-ka Bisha May ee sannadkan 2021, Jamhuuriyadda Somaliland waxay u ballansan tahay doorashada isku sidkan oo ah nooc ku cusub dalka. Doorashadaas oo ay u coddeyn doonaan dad ka badan Hal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo muwaadiniin codbixiyeyaal ah, una badan dhallinyaro.

Doorashadan oo ka dhici doonta lixda gobol-doorasho ee waaweyn iyo degmo-doorashooyinka kala duwan ee dalka, loona tartamayo 82 kursi oo Golaha Wakiillada ah iyo 773 kursi oo Goleyaasha deegaanka ah oo dalka oo dhan ah. Waxa u tartamaya 993 Murrashax oo ay ka mid yihiin tiradii ugu badnayd ee haween oo ah 28 xubnood.

Tirada goob-joogeyaasha maxalliga ahi waa 2,709, waxana ku soo biiri doona goob-joogeyaal caalami ah.

Su’aashu waxay tahay, Suxufi ma ogtahay in Saxaafaddu ay ka mid tahay daneeyeyaasha doorashada oo xilka saarani saameyn weyn ku leeyahay dhammaan daneeyeyaasha kale iyo mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland?

Ma ogtahay in daneeyeyaasha kale xil cayimman ay leeyihiin, Saxaafaduse adigoo Suxufi ka wakiil ah xilkaagu dhammaan saameyn ku leeyahay?

Xukuumadda waxa xilkeedu yahay sugidda nabadgelyada iyo bixinta kharashka doorashooyinka. Ta dambe oo kharashka ah way bixisay, ta hore oo sugidda amniga ah ku talogalkii loo baahnaa way u diyaarisay, iyadoo la qorsheeyey ilaa 11 kun oo isugu jira askar iyo saraakiil ilaalinaya amniga doorashooyinka iyo goobaha codbixinta.

Murrashaxiintu kaalintoodii si hufan ayey u ilaalinayaan, iyagoo sumcadda dalka dhawraya, gaar ahaan kaalinta haweenka waa mid si wanaagsan u muuqata, inkastoo tirada ragga murrashaxiinta ah ay aad uga yar yihiin.

Axsaabta siyaasadda iyo madaxdoodu waxay muujiyeen inay danta guud ay ka hormarinayaan ta xisbiga iyo murrashaxiintooda. Shacbigu wuxuu muujiyey bisaylka siyaasadeed ee uu gaadhay, waxaanay u diyaargaroobeen inay si buuxda uga qaybgalaan doorashada iyagoo ololihii si wanaagsan uga qaybqaadanaya, waxaanay shacbigu ka go’an hirgelinta dimuqraadiyaddeenna ku salaysan dhaqan iyo deegaan, oo aan ahayn mid dibadda laga soo waariday.

Suxufi adigoo ah daneeyaha guud ma kula tahay in aad waajibaadka ku saaran si buuxda aad u fulisay. Ma kula tahay kaalinta aad ka soo qaadatay ilaalinta xoriyatul-qawlka iyo qoraalku uu sugayo waxaad sheegtay?

Ma dhowrtay murrashaxiinta sharaftooda iyo shacbiga kaa sugaya in aad ku wargelisid sida hawluhu u socdaan, adigoo adeegsanaya warbaahinta guud iyo baraha bulshada? Ma ka ilaalisayn shacbiga wararka malo-awaalka ah iyo beenta xanafta ku noqon karta u coddeynta murrashaxa?

Warbaahinta Guud ee dadka waaweyni u badan yihiin iyo baraha bulshada oo dhallinyaradu badnaa ay isticmaasho, maxaad ku darsatay in aad aqoonta doorasho iyo qaabka coddeynta leeyahay inaad wax ku kordhisid?

Haddii aad kaalinta aad soo qaadatay ku qanacsan tahay halkaas ka sii wad, haddii kalena fuli xilka ku saaran iyo waajibaadka kuu yaalla. Suxufi ogow in aad daneeye muhiim ah tahay oo khalad kasta oo aad sameysaa saameyn ku yeelan karo murrashaxa codka la siinayo iyo natiijada doorashada.

Maanka iyo maskaxdaba ku hay Suxufi in hadafka middaysan ee Madaxweynaha, axsaabta qaranka, murrashaxiinta iyo shacbigu ay leeyihiin ay tahay in turxaan la’aan iyo khilaaf la’aan ay doorashadu innoogu dhacdo, sidii horeba ay u qabsoomi jirtay; taas oo naadir ku ah dunida.

By; Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.