Sumsang Oo Shirkadda Xinfiltanku Ka Dhexeeyo Ee Apple Kaga Guulaysatay Dacwad 2 Sano Ka Socotay Maryakanka

Washington (Geeska)- Maxkamad racfaan oo Maraykan ah ayaa taageertay dacwad burin ay codsatay shirkadda Samsung oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, taas oo la xidhiidhay dacwad ay soo gudbisay shirkadda Apple oo ku doodaysay in Samsung ay meelkaga dhacday xaqii dhawrsoonaanta curinta.

22

Maxmkamadda Racfaanku waxa ay burisay xukun maxkamadeed hore ugu dhacay Samsung oo ku qasbayey in ay magdhow shirkadda Apple ee Maraykanka ah u siiso 119.6 Milyan oo doolar. Laakiin maxkamaddu waxa ay Apple ku xukuntay in ay iyadu bixiso 158 kun iyo 500 oo doolar oo ah magdhowga adeeg ay curisay Samsung oo ay iyadu xadday.

Maxkamaddan racfaan waxa ay xukuntay in Samsung aanay wax meel-ka-dhac ah u geysan mid ka mid ah saddex adeeg oo Apple ku doodayso in ay iyadu lahayd xuququdiisa lahaanshiyaha curinta, halka labada kalana ay ka aragtay maxkamaddu in aanay kuba shaqaynayn Samsung, sidaa awgeed uu xukunka ku dhacay Samsung buray.

Shirkadda Samsung ayaa war-murtiyeed ay soo saartay xukunka kadib ku sheegtay in xukunkan maxkamadda racfaanku uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay.

Sannadkii 2012ka ayaa ay shirkadda Apple shirkaddan tartanka adag ka dhexeeyo ee Samsung ka gudbisay dacwad ah in ay meel kaga dhacday adeegyo u gaar ah oo ay iyadu curisay, laakiin shirkadda Samsung oo dacwaddaas si adag u diidday ayaa iyaduna dhankeeda Apple ku oogtay in ay ka xadday adeegyo u gaar ahaa oo ay shirkaddu xuquuqda lahaanshayooda curinta lahayd. Shirkadda Apple waxa ay dacwaddeeda ku dalbatay 2.2 Bilyan oo doolar oo magdhow ah laakiin maxkamadda ayaa sannadkii 2014ka xukuntay in Samsung ay bixiso 119.6 Milyan oo doolar.

Murannada noocan ah ee u dhexeeya shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda ayaa caan ka ah maxkamadaha dunida oo dhan, laakiin muranka labadan shirkadood ee Samsung iyo Apple ayaa isagu xiise gaar ah lahaa, si aad ahna ugu soo baxayey warbaahinta dunida, maadaama oo shirkadda Samsung ay tahay shirkadda ugu weyn dhinaca suuqa iibka talefannada casriga ah, halka ay Apple ka tahay shirkadda ugu weyn dhinaca iibka aaladda Tablet ka. Sannadkii 2014kii ayaa ay labada shirkadood ku heshiiyeen in ay iska cafiyaan dhammaan dacwadaha ka dhexeeya, marka laga reebo dacwaddan hadda xukunkeedu dhacay oo markaas ay Samsung u gudbisay maxkamadda sare ee Maraykanka.