Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar Oo Digniin U Diray Kooxaha Huwanta Oo Colaad Ka Hurinaya Gobolka Sanaag

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Beelaha Habar-Yoonis Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqyo colaadeed oo kooxaha Huwantu ka abaabulayaan Koonfurta Gobolka Sanaag.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo maanta Hargeysa ugu warramay Telefishanka Horyaal, waxa uu baaq u diray Garaaddada Beelaha Dhulbahante iyo siyaasiyiin beesha ka soo jeeda oo warbaahinta mariyey hadallo xanaf leh oo colaad ka dhex-hurin kara beelaha deriska ah ee ku dega gobolka Sanaag.

Waraysiga Suldaanku arrintan kaga hadlay, kaga bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net