Sudan oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah dumarka

Sudan(Slpost)-Hay’adda Xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada ammaanka ee dalka Suudaan in ay ku keceen tacaddiyo dhanka galmada ah, hanjabaad iyo dhibaatooyin kale, si ay u cabburiyaan hawlwadeenada dumarka ah ee u ololeeya xaquuql insaanka.

Hay’addani ayaa waxa ay sheegtay in ay diiwaan gelisay dhowr dhacdo oo laamaha ammaanka ay dumarka hawlwadeenka ah ee ka shaqeeya arrimaha xaquuqul Insaanka u gaysteen kufsi iyo hanjabaado kufsi.

Hawlwadeenada dumarka ah ee u ololeeya xaquuql insaanka ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in laamaha ammaanka dalkaasi ay isku dayeen in ay waxyeeleeyaan sumcaddooda.

Human Rights Watch waxa ay intaasi ku dartay in inkastoo cabburinta shacabka ay caadi ka tahay dalkaasi Suudaan, haddana dumarku waxa ay wajahayaan dhibaatooyin gaar ah.

Hase yeeshee mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa mar kastaa waxa ay beeniyaan eedeymaha ah in ay gaystaan tacaddiyo.