Su’aalo ku saabsan Aftida Britain ee Midowga Yurub

UK(SLpost)-Ku jir ama ka bax Aftida loo qadayo Britain inay ka mid ahaato midowga Yurub iyo inay ka baxdo ayaa dhici doonto 23 June.

Aftida go’aankeeda mala hirgalinayaa?Hadii cod bixiyayaasha Britain ay u codeeyaan inay ka baxaan Midowga Yurub, Britain ayaa ka bixi doonta Midowga Yurub, laakiin dhaqso uma dhacayso.

Aftida kaliya sharci ma noqonaysa, baarlamaanka Britain waa inuu sharci soo saaraa oo ka saaraya Britain 28 waddan ee ku jira Midowga Yurub.

Waxay qaadan kartaa ugu yaraan laba sano si looga heshiiyo ka bixitaanka Midowga Yurub.

Waxaa jira fursad lagu qabto afti kale, laakiin ra’iisalwasaare David Cameron ayaa sheegay inaysan jiri doonin fursadaas.

Image copyrightGetty

Majiro waqti uu waddanka uu ka baxayo Midowga Yurub.

Hadii ay Britain ka baxdo Midowga Yurub, sida xorta ah ee Yurub la isaga gudbo ayaan ahaan doonin siday hadda tahay, inkastoo aan la sheegin in la dhoofinayo dadka jooga in la dhoofinayo.

Waa maxay saamaynta dhaqaalaha adduunka hadii Britain ay ka baxdo Midowga Yurub?

Waxay ku xiran tahay waxaad aaminsan tahay, wasiirka maaliyada ee Britain Goarge Osborne, ayaa sheegay inay saamyn wayn ku yeelan doonto dhaqaalaha adduunka hadii Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

Laakiin, wasiirkii hore ee maaliyada Lord Lawson ayaa sheegay inaysan dhici doonin saamayn wayn, sababtoo ah labaatanka waddan ee ugu dhaqaalaha wayn adduunka kuma jiraan Midowga Yurub.

Maxaa ku dhici kara lacagta poundka ee Britishka?Hadii Britain ay u codayso inaysan ka bixin Midowga Yurub wax wayn ma dhacaayaan

Hadii ay u codayso inay ka baxdo Midowga Yurub sidoo kale wax wayn ma dhacayaan.

Image copyrightGetty

Waxa kaliya oo isbadali doona ayaa ah qiimaha marka loo badalayo Euro.

Waa maxay sababta ugu wayn ee Britain ay uga baxayso Yurub?Jawaabta su’aashan waxay ku xiran tahay qofkaad dhagaysatid, dadka u ololaynaya in laga baxo saddex wax ayay xooga saarayaan:

  • Madaxbanaani: Britain waxay u yeelan doontaa awood dheeraad ah sharciyadeeda, xeerarkeeda iyo nidaamkeeda.
  • Socdaalka: Britain waxay awood dheeraad ah u yeelanaysaa xuduudaheeda.
  • Lacagta: Britain waxay sanad walba bixisaa £19 bilyan oo ay siisaa Midowga Yurub, laakiin lacagta qqar dib aya aloogu soo celiyaa, maalgashina lacag ayay ka heshaa.