“Spain oo Koobka haysatay waa laga saaray saaxadda, way ka laablaabatay, England oo Ciyaarahaba aasaastay way ka laalaabatay…Markii KULMIYE…”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu hankiisii Musharraxnimada jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbigaas uga tanaasulay Madaxweynaha talada dalka haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah Guddoomiyihii hore ee KULMIYE.

muuserGuddoomiye Muuse Biixi oo xalay Qasriga Madaxtooyada kulan ay ka dambeeyeen xubno ganacsato ah oo beeshiisa ka soo jeeday isku soo hor-fadhiisiyeen madaxweyne Siilaanyo, ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa kaga dhawaaqay inuu madaxweyne Siilaanyo uga tanaasulay murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Kumiye.