Soomaaliya: Tirada Dad lagu laayey Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

 

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay ilaa 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaanna dhinaca maamul goboleedka Galmud.

Wararka ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo marayay isgoyska waddada 30-ka iyo tan Hobyo.

lQaraxan ayaa sida la sheegaya waxa uu ka dhacay meel u dhow hoteel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somaaliya oo sida la sheegay ay ku jireen taliyaha ciidanka dhulka iyo taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka balse BBC-du ma xaqiijin karto arrintaasi.

Qof goobjooge ah oo ku sugnaa Hoteel ka agdhow meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay dad uu ku qiyaasay ilaa 11 oo dhulka daadsan oo qaarkooda gubanaya.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in uu arkay goobo ganacsi oo gubanaya.

Waxa uu intaa ku daray in qaraxa ka dib ay ciidamadu rideen rasaas, arrintaa oo meesha ka saareysa warar sheegayay in qaraxa ka dib rag hubeysan ay dagaal la galeen ciidamada ammaanka.

Duqa Gaalkacyo ee dhanka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo BBC-da la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in inta uu ogyahay saddex qof ay dhinteen halka ilaa 40 qof oo dhaawac ah la geeyay cusbitaalka guud ee magaaladasi.

Xirsi ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan dad dhaawac ah oo loo qaaday dhanka Puntland.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin dad rayid ah oo marayay meesha uu qaraxa ka dhacay .

Magaalada Gaalkacyo ayaa ah magaalo u kala qeybsan koonfur iyo woqooyi oo ay kala maamulaan Galmudug iyo Puntland.

Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyadda weerarkan balse waxa uu imaanayaa toddobaad uun ka dib markii koox hubaysan ay weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaal waqooyiga magaaladaasi Gaalkacyo.

26-kii bishii Nofembar ee sanadkii hore ayaa qarax ismiidaamin ah iyo weerar toos ah oo xigay waxaa lagu dilay ku dhawaad 20 qof oo uu ku jiray wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay xarunta wadaadkaasi, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-Shabaab oo wadaadkaasi ku eedeeyay in uu aflagaadeeyay Nabi Maxamed NNKH. Horey ayay Al-Shabaab digniin ugu jeedisay wadaadkaasi iyo xirtiisa oo markii dambe qaarkood kula dhintay weerarkaasi.

Xigasho: BBC Somali