Soomaaliya oo Muddada Cunaqabataynta Hubka Lagu Kordhiyey

 

Muqdisho(SLpost) – Golaha Amaanka ee QM ayaa kordhiyey xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya ilaa iyo November 2016, kaddib shir Golaha Amaanka ee QM ay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York.

Qaraarka ayaa waxaa u codeeyey 14 dal, halka Venezuela ay ka aamustay. Goluhu wuxuu kaloo kordhiyey hawsha kooxda QM u qaabilsan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea ilaa iyo 15 December 2016.

Golaha amaanka ayaa walaac ka muujiyey wararka sheegaya, musuqmaasuq, lunsashada hantida qaranka iyo wax is daba marinta xagga lacagaha ee ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan maamullada xukuumadda Federaalka iyo baarlamaanka federaalka.

Golaha Amaanka waxa uu ku goodiyey in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka khatarta ku ah amaanka iyo hanaanka dib u heshiisiinta in xanibaado la saari doono.

Ku xigeenka madaxa ergada Soomaaliya u fadhida QM Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in eedaymaha ku qoran warbixinta aanay dawladda Soomaaliya ku raacsanayn.