Soomaaliya oo Kaalinta 1aad ka gashay Dalalka ugu Musuqa badan Adduunka iyo Maraykanka oo Su’aal la galiyey

Berlin (SLpost)- Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka galay waddamada ugu musuq-maasuqa badan adduunka, halka dalka Denmark uu noqday waddanka ugu musuqa yar adduunka.

 

Sida lagu shaaciyey warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International, qiimeynta dalalka ayaa lagu jaan-gooyey dhibco u dhexeeya 0 ilaa 100, waxaanay labadan waddan xagga ugu hooseysa iyo xagga ugu sarreysa kaga jiraan liiskan oo sannadkiiba hal ay soo saarto hay’adda TI oo qiimeyn ku samaysa nidaamka maamul-wanaagga dowladaha caalamka.

 

Dalka Maraykanka ayaa markii ugu horeysay ilaa 2011-kii waxa uu hoos uga dhacay liiska 20-ka waddan ee ugu nadiifsan adduunka xagga musuq-maasuqa intuu talada dalkaas hayay Madaxweyne Donald Trump oo lagu dhaliilay siyaasaddiisa aan dheelliga tirnayn ee uu ku hoggaamiyo dalkiisa. Waxaanay hay’addu dalka Maraykanka ku dartay liiska waddo lagu calaamadiyey khadka Cas, kuwaas oo la sheegay in si gaar ah insha loogu haynayo nidaamka maamul-wanaagga hay’adaha dowliga ah, waxaana liiska ku weheliya dalka Hungry iyo Brazil.

 

“Hoos u dhaca Afarta dhibcood waxay ka tarjumaysaa inuu ku jiro khadka cas, taasna waxa sababay halista ka muuqata in Maraykanku lumiyey hannaankii dheelli-tirnaanta dowladnimo iyo sidoo kale qaraxa ka taagan hab-dhaqankii suubbanaa ee awoodda ugu sarreysa dalka,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta hay’adda oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee dalka Maraykanka. 

 

Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in dalalka horumarka ka sameeyey xakamaynta musuqa inay ka mid yihiin Estonia, Ivory Coast, Senegal and Guyana; halka kuwa hoos u dhaco ku yimi yihiin dalalka Australia, Chile, Malta and Mexico. 

 

Dalka Soomaaliya ayaa qiimeynta ka galay kaalinta 1aad iyadoo lagu qiimeyey darajada 10, waxaana ku soo xiga dalalka Syria, Koonfurta Suudaan, Yemen, Woqooyiga Kuuriya, Suudaan, Guinea Bissau, Equatorial Guinea, Afghanistan iyo Libya.

 

Dalalkan lagu qiimeeyey inay yihiin kuwa ugu musuq-maasuqa badan, waxa intooda badan ka socda dagaalo regaadiyey hannaankii dowladnimo iyo kala-dambaynta, taas oo meesha ka saartay in laga arko ku-dhaqanka dimuqraadiyadda.

 

“Natiijada warbixintayadu waxay ka shidaal qaadanaysaa in waddan kasta laga helo nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqaynaya iyo xakamaynta musuqa ka jira hay’adaha dowladda,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta shabakadda Somalilandpost.net qaybo ka mid ah soo xigatay.

 

 

“Ilaa 2012, kaliya waxa horumar sameeyey 20 waddan oo darajo fiican ka keenay qiimeynta, waxaana ka mid ah Argentina, Ivory Coast. Waxaana sidoo kale, hoos dhac ku yimi 16 waddan oo ay ku jiraan Australia iyo Chile oo darajooyinkooda hoose uga soo dhacay,” ayaa lagu yidhi warbixintan oo si qoto-dheer loogu qaadaa dhigay qiimeyntan oo ka shidaal qaadanaysa 13 meelood oo waddan kasta laga qiimeeyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin noocyada xidhiidhada ka dhexeeya hay’adaha Caalamka ee Deymaha bixiya iyo siyaasadda waddan kasta kula shaqeeyo hay’adaha ka shaqeeya dhinaca Caddaaladda iyo Dimuraadiyadda.

 

Somalilandpost@live.com

Editor@somalilandpost.net