Soomaaliya oo ka jawaabtay Go’aankii dowladda Kenya xidhiidhka dibloomasiyadeed u goysay iyo eedayn ay u jeedisay

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Soomaaliya, ayaa jawaab ka bixisay tallaabada xidhiidhka dibloomasiyadeed ugu jartay dowladda Kenya oo dalkeeda ka saartay Safiirkii Soomaalida u joogay magaalada Nairobi.

 

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga jawaabay go’aankA ay dowladda Kenya ku caydhisay safiirka Somalia, kaddib markii ay ku eedaysay xukuumadda Muqdisho iib geysay qeyb ka mid Badda Kenya si shidaal looga baadho.

somaliya

Dowladda Somaliya waxay ku adkeyastay inay iyadu leedahay dhulka ka muuqda maabka lagu soo badhigay shirkii London, oo aanay ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadiisu taallo maxakmadda ICJ, go’aanka dowladda Somaliyana uu ka tarjumayo waajibaadka ka saaran inay ilaaliso midnimada dhulkeeda iyo qaranimadeeda.

 

Waxaa Qoraalka lagu sheegay in Dowladda Somalia ay aad uga xun tahay in Kenya ay sheegto xaraash lagu bixinayo bad ay leedahay, Soomaaliyana aysan xilligan kuna talo jirin in xuduud badeedka lagu muransan yahay laga iibiyo shirkado baadhaya inta dacwadda badda ee taalla maxkamada adduunka kasoo dhammaaneyso.

 

Warka ka soo baxay Wasaarradda ee lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa u dhignaa siddan:-

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda ku salaysneen ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab.

3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay.

4. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda.

5. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda.

6. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya.

7. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda.”

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa qoraalka ku sheegay in Kenya iyo Somalia ay wadaagaan xidhiidh dhinacyo kala duwan, dhaqan iyo iskaashi qoto dheer, sidaas awgeedna ay Soomaaliya ka go’an tahay inay ilaaliso xidhiidhkaas.