Soomaaliya oo Dib u dhisanaysa Safaaraddeeda Kenya oo Muddo Gacanteeda ka Maqnayd

Nairobi(SLpost) — Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maalmahaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa maanta dhagax-dhigay Safaarada Somalia ay ku lahayd Kenya oo mudo badan ka maqneyd gacanta dadka Soomaaliyeed.

Dhismaha Safaaradda oo uu ka muuqdo bur-bur xooggan oo soo gaadhay mudadii aan la degeneyn, isla markaasna uu haystay nin si sharci-darro ah ku iibsaday oo ah Hindi haysta dhalashada dalka Kenya, ayaa la cadeeyay in dhismaheedu uu dhawaan bilaaban doono.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa maanta dhagax-dhigay Safaaradii hore ee Somalia oo la sheegay in lagu sameyn doono Dayactir xoogan si loogu shaqeeyo, madaama guriga ama Safaarada hada loogu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed ee kenya ku dhaqan uu yahay mid kiro ah.

Guddoomiyaha gudiga dib u dayactirka Safaarada Muxiyadiin Cali Maxamed oo ka hadlay Xafladdii dhagax-dhiga ahayd, ayaa sheegay in wixii berri ka dambeeya la gudagali doono dacaytirka. Wuxuuna ugu baaqay Shacabka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dhismaha Safaaradda oo ay dhaqaalo ku bixiyaan.

Sidoo kale xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed oo ka qayb-galay dhagax-dhigaas, ayaa sheegay inay dhaqaale iska arruurin doonaan si dib loogu dhismo Safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan oo dhawaanahaan ku howlanaa hirgalinta dib u dhiska safaaradda, ayaa sheegay iney ku dadaali doonaan dhismaha Safaarada, wuxuuna intaas ku daray in haddii ay jiraan cidii rabto iney ka qabey-qaadato dhismahaas ay la soo xidhiidhi karaan.

Dhanka kale Sannadkii 2010-kii ayey aheyd markii Maxkamadda sare ee dalka Kenya ay u go’aamisay dadka Soomaaliyeed, iney si sharci ah u leeyihiin Dhulka ay ka kooban tahay Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya oo sannooyin badan ka maqneyd gacantooda.