“Soomaaliya maaha waddan jira oo madax-bannaan” – Aqoonyahanka Muqdisho oo 30 Sanno kaddib dowladnimo Baafinaya

 

London (SLpost)- Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah Bare wax ka dhiga Jaamacadda magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inaanay jirin dowladnimo iyo madax-bannaani xilligan ka jirta Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre oo muddo 30 sanno ah ka soo wareegtay.

Prof Xasan oo ah falan-qeeye inta badan ka faallooda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan kala-guurka ee la filayo inay doorashooyinku ka qabsoomaan dalkaas, waxa uu ku dooday inaanay Soomaaliya ahayn waddan madax-bannaan oo dhismihiisa iyo jihadiisa siyaasadeed ku xidhan tahay hoggaamiinta siyaasiyiinta majaraha u haya. Waxa uu Prof Xasan sheegay in talada Soomaaliya gacanta ugu jirta waddamo iyo hay’ado shisheeye oo iyagu iska leh go’aan ka gaadhista arrimihiisa iyo aayo-ka-talintiisa.

Dr Xasan Sheekh oo ka mid ah Aqoonyahanka iyo Bulshada Rayidka ah ee saamaynta ku leh diyaar-garowga doorashada baarlamaanka ee loo muddeeyey inay Soomaaliya ka dhacdo badhtamaha sannadkan, waxa uu ku dooday inaanay jirin wax isbeddel ah oo dhinac hoggaaminta siyaasadda ah oo ka tisqaaday Soomaaliya tan iyo 1991-kii, illaa xilligaasna ay waddamo shisheeye gacanta ku hayaan majaraha siyaasadeed iyo aayo-ka-talinta hoggaamineed ee Soomaaliya.

Macalinka oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho arrintan kaga hadlay waraysi uu khadka isgaadhsiinta internetka ee maqalka iyo Muuqaalka uu kula yeeshay Weriye Cabdilaahi Maxamed Cali oo ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa mar wax laga weydiiyey saamaynta iyo doorka ay Beesha Caalamku xilligan ka ciyaari karto xaaladda Soomaaliya iyo inuu maamulka dalkaasi iyo ilaalinta Danihiisa gaarka ahi magan u yihiin Golaha Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in marka dowladnimada iyo shuruudaheeda laga hadlayo aanay dowladi ka jirin Soomaaliya, balse waxa uu qiray inay dalkaasi ka jirto dedaal dowladnimo oo abuuritaankeeda lagu hawlan yahay.

Muuqaalka Hoose ka daawo Waraysiga uu Prof Xasan Sheeekh Cali arrimahan kaga hadlay

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet