“Soomaaliya Dastuurkeeda ayaaba sheegaya inay Somaliland tahay Waddan Madax-bannaan” – Sharci Yaqaan Rashiid

“Midnimadii dhexmartay Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku midoobeen dastuurkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (The Somali Republic) oo hadafkeedu ahaa in laysu keeno Shantii Soomaaliyeed.”

“Soomaaliya waxay samaysatay Dastuur waxaanay la baxday Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidaas si la mid ah, Somaliland-na waxay samaysatay Dastuur ay leedahay.

Soomaaliya iyadaa go’day, Dastuurkeeduna wuxuu sheegayaa inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan, markaa sharci ahaan ma jirto, meel ay Soomaaliya ku sheegan karto inay Somaliland ka mid tahay.” Sidaas waxa yidhi Sharci-yaqaan Rashiid oo ka tirsan Xarunta Cilmi-baadhista oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa.

Advertisement

Muuqaalka Hoose ka daawo Sharraxaad iyo falan-qeyn Sharci oo uu Rashiid ku sameeyey Qodobbada Arrintan Khuseeya

Follow us On