Somtel TE SubCom, Djibouti Telecom oo ku shuraakoobey Fibre Optic Xawaare Sare leh oo Xidhiidhiya dalalka Geeska Afrika

Sida uu daabacay warsidaha The Daily Nation, ee ka soo baxa dalka Kenya, waxay shirkadaha SOMTEL, TE SubCom iyo Djibouti Telecom ku shuraakoobeen xadhig Fibre Optic oo aan noociisu hore u soo gelin qaaradda oo xawaare aad u sarreeya leh, kaas oo xidhiidhin doona dalalka Geeska Afrika intooda badan oo uu xagga Xeebta ka soo geli doono.

Nidaamka xadhiggan oo qaabaysan yahay oo dhan 5400 kiloomitir, loona bixiyey Djibouti Africa Regional Express 1(DARE1), ayaa waxa uu xidhiidhin doonaa Djibouti, Muqdisho, Mombasa iyo magalooyin kale oo waaweyn oo gobolka ah, isaga oo halkii ilbidhiqsiba bixin doona 30 Terabyte.

PartnershipShirkadda TE SubCom, oo aan loo daba fadhiisan tiknoolajiyadda badda hoosteeda iyo adeegyada la xidhiidha, ayaa iyadu qaybin doonta mas’uulna ka ahaan doonta dhigidda xadhigga.

War-saxaafadeed ay saddexda shirkadood wadajir u soo saareen ayay ku sheegeen in “Mustaqbalka dhow lagu fidin doono xadhigga dhulalaka kale ee Soomaalidu degto iyo waddamada kale ee Geeska iyo Bariga Afrika si loo helo adeeg Internet iyo Fibre Optic awood badan oo la wada gaadhi karo”.

Waxa shirkaduhu sheegeen in awoodda wax-wada-lahaanshani soo kordhiyey ay ka mid tahay in kharaj badan loogu badbaadiyo loo-adeegaha iyada oo la isticmaalayo aqoonta sare iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee TE SubCom.

Waxa shuraakadan cusubi suurtagelin kartaa in shirkadaha bixiya adeegga isgaarsiintu si sahlan iyaguna isaga kaashaadaan isla-hadalka, gaar ahaan dhulalka Soomaalida iyo Bariga Afrika, kaas oo u sahli doona macaamiisha inay u helaan xorriyad ay ku wada xidhiidhaan macluumaadna isku dhaafsadaan. Waxa arrinta u fududayn doontaa in uu abuuromo jawo uu  loo-adeegaha u fura inaanu ki koobnaan isgaarsiin keli ah, uuna helo qiimayaal isaga u tartama iyo adeeg sare oo u dan ah.

Iskaashiga DARE1, waxa uu hadda ku kooban yahay Djibouti Telecom iyo SOMTEL.

XIDHIIDHINTA

DARE1 waxa uu u qaabaysan yahay min saddex xadhig oo mataano ah, oo halkii mataanba bixinayo ama laga helayo 150 maxadadood oo la awood ah 100 Gb/ilbidhiqsigii.

Xadhiggu waxa uu ku xidhmayaa, isaga oo adeegsanaya nidaamka caalamiga ah, kuwa kale ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Djibouti Telecom SA waxa weeye shirkadda siisa Jabbuuti oo dhan laymanka tilifoonka ee dhulka, Moobilka iyo Internet’ka; halka SOMTEL ka tahay Isgaarsiinta u horraysa Soomaalida eek a wada shaqaysa, iyada oo sidoo kale Intenet iyo adeeg tilifoonba bixisa. Waxa kale uu SOMTEL taariikhda ku gashay inay noqotay shirkaddii u horreysey e bixisa adeegga 3G iyo LTE, iyada oo, isla markaa, nidaamka isdhex-marka lacagaha iyo nidaamka maaliyadeed ee suuqyada wax badan kaga beddeshey adeeggeeda eDahab.

Cabdirashiid Ducaale, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, waxa uu tibaaxay in xadhiggan badda hoos marayaa uu loo-adeegaha siin doono Internet uu qaymo ahaan awoodi karo, iyada oo uu, isla mar ahaantaa, culayska hadda ka jira nadaamyada la isticmaalo meesha ka saari doono.

CABLLE“DARE1 waxa uu noqon doonaa Keybalkii ama xadhiggii  u horreeyey ee badda hoos mara ee Muqdisho ku xidhiidhiya naidaamka isgaadshiinta casriga ah ee caalamka. Shirkadaha Dahabshiil Group, waxa ay awood u siin doonaan SOMTEL inay Internet la tahli karo qiimo ahaan oo aad uga sarreeya kuwa haatan jira u keento gobolka gud ahaantiisba.

“In caalamka intiisa kale lagu xidhnaadaa, waxa uu lagama maarmaan u yahay horumarinta gobolka; DARE1 waxa ay culayska ka qaadaysaa oo meesha ka saaraysa isdul-buuixnta cuslyasa nidaamka isgaarsiineed xilligan, iyada oo tartan imanayo, isla markaana adeegyada halbowlaha u ah koboca dhaqaalaha sida adeegga Moobillada lacagaha la isugu diro”, ayuu yidhi Ducaale.

“Macaamiisha ku xidhan SOMTEL,” ayuu ku daray “waxa ay heli doonaan xidhmooyin iyo adeegyo siiya kala-doorasho badan, xawaare sare iyo qiimayaal aad u soo jiidan doona”.

Waxa uu Ducaale carrabka ku dhuftay in SOMTEL iyo Dahabshiil Group ay diyaar u yihiin soona dhoweynayaan shirkadaha kale ee danaynaya inay kula shuraakoobaan sidii adeegyada macaamiisha loo hayo mar walba kor loogu sii qaadi lahaa.

“Waxa aanu sii xejineynaa heshiisyada aannu kula jirno, annaga oo ixtiraamaynaa, lana shaqaynaynaa shirkadaha aannu shuraakada haatan ku nahay Xadhig/Keybal iyo Dhaataba, iyada oo uu mar walba yoolkayagu yahay adeeg lagu kalsoonaan karo, tayo leh oo qiima soo-jiidashe leh ku baxa,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Maxamed Casoowe Buux, Maareeyaha Guud ee Djibouti Telecom, waxa uu dhankiisa rajo weyn ku lammaaniyey in mashruucani ka sii gudbi doono Bariga Afrika, oo meelo kale iyo dalal kale oo ka baxsan anfici doono.

“Waxa aannu aad ugu faraxsanahhay inaanu la shuraakowno SOMTEL  iyo Dahabshiil Group si gobolka oo idil horumar uu u gaadho. DARE1 waxa uu tub ku habboon ku gei doonaa Bariga iyo Geeska Afrika. Waxa aannu ku kalsoonnahay awoodda saree e tiknoolajiyadeed ee TE SubCom iyo awoodeeda fulineed, annaga oo ogsoon in gobolla ka baxsan Geeska iyo Bariga Afrika adeeggani u sii gudbi doono,” ayuu yidhi Maareeye Casoowe Buux.

Waxa Heshiiska goob jog uga ahaa SubCom oo metelayey Madaxweyne-ku-xigeenka shirkaddaasi dhinaca Iibka Caalamiga ah (Global Sales), Michael Rieger, oo ka yidhi “SubCom waxa ay ku faraxsan tahay inay kala shaqayso shuraakada DARE1 mashruucan si awood Internet oo xoog leh loogu helo gobolka; waxanuna saaxibbadayada DARE1 kala shaqaynaynaa in adeeggan lagu sii fidiyo in ka sii durugsan inta haatan ku jirta qorshaha,” ayuu yidhi Mne Rieger.