Somaliland: Xusaska Maalmaha Qaran ee 18 May iyo 26 June oo Sannadkan la joojiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in munaasibadaha Qaran ee 18 May Iyo 26 June aan Sanadkan laga xusidoonin dalka xanuunka Covid-19 awgii, isagoo sheegay in taasi loo samaynayo si looga hortago faafitaanka cudurkan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ka sheegay kulan-saxaafadeed uu ku qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka, halkaas oo uu kaga hadlay Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid-19 iyo saamaynta uu ku yeeshay dalka.

Advertisement

“Iyada oo xanuunnadaasi soo kordheen awgeed Waxan maanta halkan ka sheegayaa in laba munaasibadood oo qaali ah oo aynu dabbaaldegi jirnay 18-ka May iyo 26-ka June inaynaan sannadkan isu urur ugu dabbaaldegaynin, isu soo bax ma jiro, dadkana meel ku ururin mayno, wixii khudbado iyo farriin la gaadhsiinayona si gaar ah oo tan oo kale ah baa loogu sheegi, waxana kalliftay xaaladda dalku maanta marayo iyo caabuqa Coronavirus,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

 

Follow us On