Somaliland: Xukuumadda oo soo saartay Go’aan Gaadiidleyda ku qasbaya inay Caymis galaan

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda Caymiska Qaranka, ayaa Sabtida maanta soo saartay go’aan ku waajibinaya gaadiidleyda inay galaan iska diiwaan-geliyaan ama ku biiraan shirkadaha Caymiska laga bilaabo 24-ka bisha July oo maanta ku beegan.

Hay’adda Caymiska Qaranka waxa ay sidan ku shaaciyey Kulan ay isugu yeedhay mulkiileyaasha iyo maamuleyaasha Shirkadaha Caymis ee gaarka loo leeyahay, waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo Madax-dhaqameedka dalka qaarkood.

Ugu horeyn, waxa kulanka ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey amarka cusub Agaasimaha Guud ee hay’adda Caymiska Qaranka Cabdiraxmaan Muuse Cabdi oo tilmaamay muhiimadda uu gaadiidleyda u leeyahay adeegga caymiska ee ay qabtaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ka dhisan.

Advertisement

Waxa kale oo munaasibadda hadallo ka jeediyey qaar ka mid ah maamuleyaasha Shirkadaha Caymiska ee gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ugu weyn tahay shirkadda Takaful Insurance of Africa, waxaanay soo-dhaweeyeen go’aanka ay soo saartay hay’adda Caymiska Qaranka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warkan oo faahfaahsan iyo Hadallada masuuliyiinta iyo maamuleyaasha shirkadaha ka qayb-galay kulanka ku qabsoomay xarunta Hay’adda Caymiska Qaranka

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement