Somaliland: Xukuumadda oo soo bandhigtay Buug koobsanaya Xogta Rasmiga ah ee Qaranka

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa maanta soo bandhigtay Buug lagu ururiyey Xogta Qaranka JSL, kaas oo wax weyn ka tari doona fahamka ummadaha caalamka ee khuseeya Somaliland.

Munaasibad magaalada Hargeysa loogu qabtay Daah-furka Diiwaanka Rasmiga ah ee Xogta Qaranka JSL, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiiro xukuumadda ka tirsan, Aqoonyahan, dibloomaasiyiin iyo wakiiilo ka tirsan Dalalka caalamka iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa sheegay in Buuggu ka turjumayo xogta Qaranka Somaliland isla markaana ay adeegsan karaan cid kasta Somaliland xog uga baahan sida wadamada Caalamka iyo Hay’adaha caalamiga, iyadoo Buuggu xog waafi ah ka bixinayo Dadka ku dhaqan Somaliland, bedka iyo Xuduudaha Dhulka, Badda, Cirka, Cimillada iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Advertisement

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, Maaliyada Dr Sacad Cali Shire, Biyaha iyo Dr. Adna Aadan Ismaaciil, oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ka waramay ahmiyada uu Buugani u leeyahay Qaranka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa isagu dhankiisa waxa uu dhiirri-geliyey in xogta ku duugan buuggan si taxane ah looga baahiyo warbaahinta Online-ka ah ee Internetka si macluumaadka ku saabsan Somaliland u yeelato tixraac ay xigan karaan Dowladaha, warbaahinta iyo hay’adaha Caalamka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in buugan lagu soo ururiyay xogaha ugu muhiimsan ee Qaranka Somaliland iyadoo Buugaasina lagu faafin-doono dalka oo dhan iyo wadamada Caalamka isaga oo inaga anfacaya cid kasta oo u baahan in ay xog ka hesho Somaliland sida wadamada kale ee Caalamka, iyo Hay’adaha.

Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Hay’adaha iyo laamaha kala duwan ee dawladda ku dhiiri geliyay in ay qayb ku yeeshaan kuna soo bandhigaan xogohooda muhiimka ah.

https://www.youtube.com/watch?v=1i7gNod4k_s

Advertisement