Somaliland: Xukuumadda oo Siidh Waddani ah u Qaybinaysa Beeralayda Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa diyaarisay Siidh gudaha dalka lagu beeray oo loo qaybinayo dadka beeralayda ah, maaddaama oo la guda-galay xilliga Gu’ga ee ay bilaabmayaan qodista Beeraha.

Qorshahan oo daba socda ballan-qaad ay hore u sameeyeen Wasaaradda Horumarinta beeraha oo meesha ka saaraysa in dalka laga beero Siidh dibadda laga keenay ama hay’aduhu ku caawiyaan beeralayda si aanu u min-guurin saraca dalku, ayaa toddobaadkii u dambeeyay laga shaqaynayey sidii loo diyaarin lahaa qoys walba inta Kiiloo ee loogu talo-galay.

Hawsha diyaarinta oo toddobaadkii u dambeeyay ka socotay xarunta wasaaradda beeraha ee deegaanka Abuuriin, ayaa Khamiista Maanta la soo gebo-gabeeyay, waxaana loo diyaar-garoobayaa sidii loo qaybin lahaa Siidhadhkaasi oo isugu jira noocyada Hadhuudhka iyo Galayda.

Advertisement

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in Qoys walba oo Beerlay ah la siin doonaa 13-Kg oo Hadhuudh ah iyo 8-Kg oo Galey ah, iyadoo Siidhkani yahay mid waddani ah oo gudaha dalka lagu farsameeyey.

Agaasimaha waaxda cilmi-baadhista ee wasaaradda beeraha Somaliland, Cali Cabdillaahi Ibraahim oo gacanta ku haya hawsha diyaarinta Siidhka ayaa warbixin kooban ka bixiyay halka ay wax u marayaan.

“Hawshani waxay daba socotaa ballanqaadkii wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha ee ahaa in wakhtiga Gu’ga beeraleyda lagu caawiyo Shini tayo leh oo waddani ah,” ayuu yidhi Agaasimuhu, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyay, “Waxaanu diyaarinay Shini isugu jirta Galey iyo Hadhuudh, iyada oo qofkiiba la siinayo 13-kilo garaam oo hadhuudh ah iyo 8-killo garaam oo Galley ah. Waxaana loo qoondeeyey in la gaadhsiiyo gobollada Maroodi-jeex, Sanaag iyo Buuhoodle, waana Shinni Waddani ah oo caafimaad qabta, waxaana laga maalgeliyey Cashuurta dalka.” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda cilmi-baadhista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On