Somaliland: Xisbiyada Mucaaradka oo lagu dhaliilay inay gaabiyeen Ololaha Aqoonsi-raadinta

Hargeysa (SLpost)- Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Finland, Saamiya Muuse, ayaa xisbiyada Mucaaradka ugu ku dhaliishay inay ka gaabiyeen Ololaha Aqoonsi-raadinta ee Somaliland.

Danjire Saamiya Muuse waxa ay Xisbiyada Mucaaradka ah ugu baaqday inay ka shaqeeyaan kor-u-qaadista Qadiyadda Somaliland oo ay muujiyaan doorkooda kaga aaddan Aqoonsiga Somaliland ka raadinayso Beesha Caalamka.

“Annagu Xafiis ahaan waan ku dedaalnay inaan isku xidhno jaaliyadda, laakiin labada Xisbi Mucaarad hogaamiyeyaashoodu oo lagu tiriyo inay dalka ka soo jeedaan way ka gaabiyeen inay xoojiyaan Qadiyadda Ictiraafka,” Sidaas ayay tidhi Saamiya Muuse oo u warrantay Telefishanka BushoTv.

Waxa ay Wakiilka Findland sheegtay in xafiiskeedu kaalin mug leh ka qaato horumarinta siyaasada arrimaha dibedda ee Wasaaradda Khaarajiga Somaliland isla markaana wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin xukuumada Finland.

“Mudaddii aan joogay xafiiska JSL ee Finland arrimo badan oo xoojiyey magaca Somaliland ayaan gaadhnay. Waxaan kaalin la qaadanay arrimaha ka socda dalka Finland, si xidhiidhka labada wadan u kobcino,”sidaas ayay tidhi Saamiya Muuse, waxaanay hadalkeeda sii raacisay, “Jaaliyada kale jooga Finland maalinta xuska Qaranimada dalalkooda wadajir ayey u xusaan khilaaf kasta ama xisbi kasta ay taageeraan, balse jaaliyadda Somaliland sidaa maaha umana midoobaan xuska Qaranimadooda, taasina waxay u baahan tahay inay ka koraan, xisbiyada mucaaradkuna ku booriyaan taageerayaashooda caalamka inay qaranimada dalka oo dhamaan la wada leeyahay u midoobaan.”

Marwo Saamiya Muuse waxa ay ku dhaliishay Qurbajooga dibeda gaar ahaan dalka Finland inay ka gaabiyeen qadiyadda ictiraaf raadinta dalkooda oo aanay la mid ahayn jaaliyadaha kale oo danta guud ee dalkooda u midooba.

“Qurbajooga dalka Finland way ka gaabiyeen qadiyada Dalkooda Somaliland horumarinteeda. Hadday yihiin xisbiyada Mucaaradka dhinaca horumarinta qadiyada Somaliland waxay ahayd inay kaalin ka qaataan oo taageerayaashooda ku booriyaan,” ayay tidhi Saamiya Muuse.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net