Somaliland waxay ka caawin karaysaa Maraykanka inuu ku Guulaysto Dagaalka Qabow ee Dunida – WARBIXIN

‘Somaliland waxay ka caawin karaysaa Maraykanka inuu ku Guulaysto Dagaalka Qabow ee dunida ka soo cusboonay.’ Sidaas waxa ciwaan looga dhigay warbixin lagu daabacay warbaahinta The National Interest oo si gaar ah loogu faaqido Danaha Qaranka Maraykanka ee siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Warbixinta oo uu qoray Alexander Jelloian oo ah Qalin-maal wax ka qora Arrimaha Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah isla markaana xilligan heerka labaad ee Shahadada jaamacadda ka diyaarinaya London School of Economics and Political Science, waxa uu si qoto-dheer uga faallooday fursado muhiim ah oo dowladda Maraykanka ugu jira inuu Waddan Madax-bannaan u Aqoonsado Somaliland oo uu xusay inay dowladda Maraykanka ka caawin karayso inuu ka guulaysto loollanka Siyaasadeed iyo Milatari ee ka dhexeeya Quwadaha dunida ee dalweynaha Shiinuhu u horreeyo.

Warbixinta lagu daabacay National Interest oo Afka Soomaaliga ku soo tarjuntay Warbaahinta Somalilandpost.net, waxa lagu sheegay in Aqoonsiga Somaliland uu dowladda Maraykanka u suurtalinayo inay yarayso isku-halleynta dhinaca istaatajiyadda Milatariga ee ka dhexeeya dalka Jabuuti si uu u xoojiyo kaalinta uu ku leeyahay Gobolka Xasaasiga ah ee Bariga Afrika.

Waxa Warbixin lagu bilaabay, “Shiinuhu waxa uu samaynayaa saaxiibbo badan, waxaanu ballaayiin dollar ku bixinayaa mashaariic horumarineed oo uu ku caawinayo dalalka soo koraya, taasoo sababtay inuu abuurmo xidhiidh sii xoogaysanaya marba marka ka dambaysa, waxaanay tani war-war ku abuurtay dalalka taageera dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadamaha.

Nasiib-wanaag, waxa jira dalalkaas qaarkood oo dhabarka u jeediyey isku-dayga Shiinuhu  ku doonayo inuu gato saaxiibbo siyaasadeed. Kuwan waxa ka mid ah dowladda Somaliland oo ah waddan shaqaynaya balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Maraykanku waa inuu noqdaa dalka u horreeya ee ku dhiirrada aqoonsida Somaliland. Haddii Maamulka Biden tallaabadaas hirgeliyo, Maraykanku waxa uu saaxiib muhiim ah ku yeelanayaa gobol istaraatajiyadiisa Juquraafi muhiimad weyn leedahay.” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta lagu daabacay The National Interest oo intaas ku dartay in go’aanka Somaliland dhabarka ugu jeedisay Shiinuhu uu yahay tallaabo ugub ka ah Qaaradda Afrika.

Go’aanka Somaliland ka qaadatay xidhiidh dhexmara Shiinaha Waxa warbixinta tusaale loogu soo qaatay Isku-day Shiinuhu ku doonayey inuu ku caawiyo Somaliland kaddib gubashadii Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxaanay warbixintu xusay in Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya isku dayay inuu socdaal ku yimaaddo Somaliland, balse markii dambe la joojiyey safarkaas oo uu doonayey inuu ku yimaaddo magaalada Hargeysa.

“Tani waxay u socon wayday maxaa yeelay dowladda Somaliland waxay ka war-qabtaa inay jiraan dano kale oo ku lammaan socdaalka Mr Frei oo damaciisu aanu ku koobnayn inuu masuuliyiinta kala hadlo gurmadka Suuqa Gubtay. Wuxuu doonayey inuu kulamo la yeesho madaxda xisbiyada mucaaradka iyo ardayda Jaamacadaha si uu gudaha Somaliland uga raadiyo saaxiibbo ka soo horjeesta xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta oo lagu soo qaatay socdaalkii madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi bishii March ee sannadkan ku tagay dalka Maraykanka iyo kulamadii uu la qaatay masuuliyiinta ka tirsan dowladda dalkaas oo qayb ka ahayd dedaallo Somaliland ku raadinayso Aqoonsi Caalami ah oo Maraykanku hormuud u yahay.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in socdaalkaasi wax weyn ka beddelay mowqifkii dowladda Maraykana ee ku aaddanaa Somaliland isla markaana lagu unkay xidhiidh dhow oo labada waddan u furmay maadaama oo Somaliland dowladda Maraykanka u oggolaatay inuu saldhig milatari ka samaysto garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo kulaalaysa marin-biyoodka Gacanka Cadmeed oo muhiimad weyn ugu fadhiya Isu-socodka Ganacsiga Badda ee ka dhexeeya Dalalka Reer Galbeedka iyo reer Bariga.

Warbixinta oo si kooban loogu qodobbeeyey muhiimadda ay dowladda Maraykanka ugu fadhido Aqoonsiga Somaliland, waxa lagu yidhi, “In kasta oo Maraykanku uu horeba saldhig milatari ugu lahaa dalka Jabuuti oo sidoo kale kulaalaya gacanka Cadmeed, haddana waxa habboonaan lahayd in ay iyaguna saldhig ka samaystaan ​magaalada Berbera. Jabuuti waxa si isa soo taraysa u saamaysay maalgelinta Shiinaha oo caqabad ku ah awoodda Maraykanku u leeyahay in uu hawlgalo. Intaa waxaa dheer, Shiinuhu wuxuu saldhig milatari ka sameystay ​​Jabuuti, kaas oo Safaaro hal Mayl ah u jirta saldhigga Mareykanka. Haddii uu aqoonsado Somaliland, Maraykanku wuxuu yarayn karaa ku tiirsanaanta Jabuuti, wuxuuna xoojin karaa kaalinta uu ku leeyahay gobolka xasaasiga ah ee Bariga Afrika”.

“Waxa kale oo muhiim ah in tirada lagu darsado in Maraykanka oo aqoonsada Somaliland uu ka heli doono faa’iidooyin badan marka la eego dhinaca amniga milatariga oo kaliya. Somaliland waxay xidhiidh dublamaasiyadeed oo aan toos ahayn la samaysatay Taiwan sannadkii 2020, taas oo muujinaysa in Somaliland oo madax-banaani ay siin doonto Taiwan saaxiib kale oo caalami ah. Tani waxa ay shaki la’aan ka caawinaysaa Maraykanka danaha uu ka leeyahay Taiwan,” sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta oo intaas ku dartay in Somaliland oo 30-kii sanno u dambaysay ahayd waddan xasiloon oo nidaamka dowladnimadu ka hana-qaatay ay  Maraykanka u suurta-galinayso dedaallada uu ku jiro dhiirri-gelinta dimuqraadiyadda iyo xoriyadda bani’aadamka haddii uu ku dhiirato inuu Aqoonsado.

Ugu dambayntii, waxa warbixinta lagu xusay in Aqoonsiga Somaliland uu dalka Maraykanka u suurta-galinayo sii xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo ka dhaqaale ee ka dhexeeya dalalka Gobolka Geeska Afrika, Somaliland ahaanna ay fursad u helayso inay si toos ah u hesho saamiga ay ku leedahay taageerooyinka Dhaqaale ee Maraykanka iyo xulafadiisu ku caawiyaan dalweynihii laysku odhan jiray jamhuuriyaddii Soomaaliya.

“Somaliland oo waddan madax-bannaan loo aqoonsado waxay fursad u siinaysaa inay si toos ah u hesho Maalgeshi caalami ah iyo koboc aan hore loo arag oo ku yimaadda ganacsiga gaarka loo leeyahay,” sidaas ayaa lagu soo gebo-gabeeyey warbixintan lagu daabacay warbaahinta The National Interest oo ka faalloota siyaasadda Arrimaha Dibadda ee khuseeya Danaha Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net