“Somaliland waxa laga xoreeyey dibadda, maanta waxa laga duminayaa Dibadda oo…”- Eng Faysal Cali Waraabe

London (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey munaasibad ay magaalada London ku qabsadeen Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, ayaa daaha ka rogay qorsheyaal dalka dibaddiisa laga soo maleegayo oo lagu doonayo in lagu burburiyo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland laga xoreeyey dalka dibaddiisa, maanta la doonayo in nabadgelyada iyo horumarka Somaliland gaadhayo laga dumiyo dalka dibaddiisa.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay arrinta Cabdimaalik Muuse Coldoon oo uu ku tilmaamay inay gacmo-shisheeye oo doonaya inay burburiyaan nabad-gelyada Somaliland ay dabada ka riixayaan.

Advertisement

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Faysal Cali Waraabe.

Follow us On