“Somaliland Waxa Ay Diyaarineysaa Xidhiidh Diblomasiyadeed Oo adag La yeelato Jamhuuriyadda Kenya” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLPOST) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo xidhiidh diblomaasiyadeed oo kobcaya oo u bilaabmaya wadamada Somaliland iyo Kenya.

 Axmed_silanyo_

Qoraal gaaban oo la geliyay barta uu Madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay twitterka, ayaa wuxuu ku sheegay inay dawladda Kenya xafiis diblomaasiyadeed dhawaan ka furan doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. “Somaliland waxay diyaarinaysaa inay xidhiidh diblomasiyadeed oo adag la yeelato Jamhuuriyadda Kenya.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyay, “Xafiis diblomaasiyadeed ayay deg deg uga furanaysaa Hargeysa.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay inay toddobaadkii hore magaalada Hargeysa yimaadeen diblomaasiyiin ka socota wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, kuwaas oo indha-indhaynayay sidii ay xafiis diblomaasiyadeed uga furan lahaayeen magaalada Hargeysa.

Weftiga reer Kenya waxa weheliyay wakiilka Somaliland u jooga Kenya Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir)

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland