Somaliland: Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda Ethiopia oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa maanta soo gaadhay Wefti ka socda Dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayo Wasiirul-dowlaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarajiga Dowladda Federaalka Ethiopia Ridwaan Xuseen.

Weftiga oo subaxnimadii hore ee Khamiista maanta ka soo degay Gegida diyaaradaha ee Egal International Airport, waxa madaarka ku qaabilay Wasiir ku-xigeenka ahna ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

Wasiirul-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo uu weheliyo ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, waxa ay isla markiiba u gudbeen dhinaca magaalada Berbera, waxaanay isla caawaba booqasho indho-indhayn ku tageen Dekedda Berbera, Sida uu bartiisa Twitter ku baahiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

“Sharaf-bay ii ahayd inaan maanta  Somaliland si diirran ugu soo dhaweeye Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda ee DFI Redwan Hussien. Wasiirku wuxuu booqday Berbera si uu u indho-indheeyo casriyeynta heerka caalami ah ee lagu sameeyey dekedda Berbera si ay u noqoto marin-ganacsiyeedka ugu istaraajiyeysan mandaqadda Geeska Afrika”, sidaas ayuu yidhi Wasiir Liibaan Yuusuf Cismaan.

Sidoo kale, Wasiirul-dowlaha Dowladda Ethiopia Rewan Hussien ayaa Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Somaliland uga mahad-celiyey soo-dhaweynta uu ku qaabilsay, sida aanu ka soo xigannay qoraal uu wasiirku ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan saaka subaxii soo gaadhay gegida diyaaradaha ee Egal International Aiport ee Hargeysa.  Waxaan uga mahad-celinayaa soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta uu ii fidiyey walaalkey Liibaan,” sidaas waxa bartiisa twitter ku qoray Wasiirul-dowlaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarajiga Dowladda Federaalka Ethiopia, Redwan Hussein.

Dekedda Berbera, waxa xilligan ku xidhan markab laga leeyahay dalka Ethiopia, kaas oo labadii maalmood ee u dambeeyey laga dejinayey Raashin isugu jira Bariis iyo Sonkor laga keenay Waddanka Brazil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net